Axmed Madoobe Oo La Kulmay Mudanayaasha Labada Aqal Ee Laga Soo Doorto Jubbaland

Published: September 20, 2020

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Muqdisho kula kulmay mudanayaasha labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ku matala Jubbaland.

Kulankan oo ahaa qado sharaf uu madaxweynahu u sameeyay Xildhibaanada, ayaa lagaga hadlayay Xaalada dalka, iyadoo sidoo kale madaxweynaha uu Xildhibaanada uga warbixiyay Xaalada Jubaland.

Xildhibaanada ayaa madaxweyne Axmed Madoobe uga mahad celiyay sida uu wakhtigiisa ugu huray in xal laga gaaro jihada ay Soomaaliya uga gudbayso wakhtigan adag.

Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa kulamo la qaadanaya xildhibaanada ku metela baarlamaanka, waxayna warar hoose sheegayaan inay ku cadaadinayaan sidii uu baarlamaanku u ansixin lahaa heshiiskii dowlada federaalka iyo dowlad goboleedyada ee Muqdisho.

Sawiro:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *