C/raxman: “Xildhibaanada Somaliland doorashadooda waa in loo madax baneeyo” – VIDEO

Published: September 20, 2020

Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadajir Cabdiraxman Cabdishakur Warsame oo ka hadlay heshiiskii dowlad federaalka iyo dowlad goboleedka kaas oo ku aadanaa hanaanka doorashada ayaa tilmaamay inuu dalka ka badbaadiyey dhibaatooyin adag.

Wuxu sheegay in talooyinkii ay gudbeen la tixgeliyey, isagoo u mahadceliyey madaxda dowlad goboleedyada oo u dhabar adeegay in heshiiskaas la gaaro, wuxuuna ka codsaday inay Muqdisho ka tagin ilaa heshiiskaas la meelmariyo.

Hadalkii madaxweyne Farmaajo ee tanaasulkiisii doorashada qof iyo cod ayuu ku tilmaamay hadal marmarsiiyo ah, haday dhab ka tahayna uu bedelo hogaanka Nabadsugida Soomaaliya oo uu ku eedeeyey inay gabtay shaqadeedii.

“Haddii Madaxweynaha tanaasulka dhab ka tahay dib u habeyn haku sameeyo Taliska Nabadsugida oo noqotay Hey’ad Siyaasadeed, shaqadii la dagaalanka Argagixisada ay gabtay, oo caadeystay inuu ku dhex milmo siyaasadda, oo saxaafaddii iyo siyaasiyiintii ay ka dhaqaaqi la’yihiin, tallaabooyinka tanaasulka uu caddeyo dib u habeyn ku sameeyo, dad mas’uuliyad leh oo khibrad iyo aqoon u leh dhex dhexaad u ahna  dadka siyaasiyiinta inuu geeyo”

Cabdiraxman Cabdishakur

Sidoo kale wuxu sheegay in la rabo in la dhaco kuraasta xubnaha ka soo jeeda Somaliland ee doorashadooda ka dhaceyso Muqdisho, isagoo dalbaday in loo madax baneeyo dadka ka soo jeeda sida odayaasha dhaqanka iyo dadka ku matala siyaasadda.

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment