Kheyre oo kulan la qaatey Guddoomiyaha Aqalka sare

Published: September 20, 2020

Guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa hoygiisa Muqdisho ku booqday raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

Labada masuul ayaa wada hadlay xaalad guud ee dalka, sida ay xaqiijiyeen xubno ku dhow guddoomiyaha iyo raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya.

“Sharaf ayey ii ahayd la kulanka guddoomiyaha Aqalka Sare mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo maanta isoo booqday. Waxaan uga mahadceliyay kaalintii uu ka qaatay hannaanka loogu gudbayo muddo xileed cusub ee dowladda Soomaaliyeed”

Xasan Cali Kheyre

Xasan Cali Kheyre oo dhowaan kaga dhawaaqay baraha bulsada musharaxnimadiisa ayaa kulankani noqonayaa kiisii labaad tan markii uu iska casilay xilka raysal wasaaraha, wuxu horey ula kulmay Prof. Jawaari.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *