Raysal Wasaare Roobe Oo Fariin U Diray Golaha Shacabka – VIDEO

Published: September 20, 2020

Raysal wasaaraha magacaaban ee dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya weydiistay inay siiyaan codka kalsoonida, taas oo u suura galinaysa inuu soo dhiso xukuumad cusub.

Waxa uu ka mahadceliyey islamarkaana aqbalay xilka uu madaxweynaha JFS u magacaabay ee wasiirka 1-aad ee Soomaaliya, isagoo xusay inuu ku kalsoon yahay mas’uuliyadda xil-gudashadiisa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa raysal wasaaraha cusub faray inuu sida ugu dhaw u soo dhiso xukuumad cusub marka uu helo kalsoonida golaha shacabka, taas oo sii wadi doonta hawlaha Qaranka oo ay ugu horrayso arrimaha doorashada dalka.

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *