Wadadee u furan Farmaajo haddii Baarlamaanku diido heshiiska Muqdisho?

Kadib muddo 90 maalmood ah oo lagu dhex jirey muran iyo jaahwareer ka taagan doorashada Dowladda Federaalka ee 2020/21, waxaa maalintii Khamiista ee 17 September lagu heshiiyey nooca doorasho ee dalka ka dhacaysa, heshiiskaas oo ay wada gaareen Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda Dowlad goboleedyada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga ah Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo heshiiska kadib xaflad loo qabtey ka hadley ayaa sheegay in uu u tanaasuley dalka dartiis, kana cabsadey in uu dalka kala go’o, halkaasna uga harey damaciisi ahaa in uu qabto doorasho qof iyo cod ah oo u baahneyd in muddo laba sano ah xilka loo kordhiyo, sida ka muuqatey hadalka Madaxweynaha waxa uu ka tanaasuley waa muddo kororsi. Madaxweyne Farmaajo waxa uu baaq u direy Baarlamaanka oo uu ka codsadey in ay heshiiskaas la qaataan.

Heshiiskan waxaa soo dhaweeyey inta badan shacabka Soomaaliyeed, Mucaaradka, siyaasiyiinta kale, waxaana loo arkey in uu yahay xal dalka looga ilaalin karo jaahwareer.

Waxaa la isweydiinayaa sida Baarlamaanka ama labada aqal oo wada jiraa ay ka yeelayaan heshiiskan.

Horseed Media oo xiriir kala duwan la samaysey qaar kamid ah Xildhibaanada xilku ka dhamaanayo ayey sheegeen aragtiyo kala duwan oo ay ka qabaan waxa ka soo baxay shirkii Muqdisho.

Qaar kamid ah Xildhibaanadu waxay doonayaan in ay heshiiska meel mariyaan laakiin laga beddelo qodobada qaar waxaana kamid ah qodobada ay doonayaan in wax laga beddelo.

Goobaha doorashadu ka dhacayso in aan lagu soo koobin laba magaalo oo keliya ee la gaarsiiyo ilaa 4 gobood in doorashadu ka dhacdo, waana qodobka labaad ee heshiiska Muqdisho.

Qodobka labaad ee Xildhibaanada qaarkood Horseed u sheegeen in uu u baahan yahay isbeddel lagu sameeyo ayaa ah:

Soo xulista Ergooyinka dooranaya Xildhibaanada, waxaana ay diidan yihiin in Ururada rayidka ah iyo Dowlad goboleedku ay beesha xildhibaanka leh u gacan dhaafaan waxaana ay sheegeen in loo madax baneeyo Beesha kursiga iska leh, laakiin Guddiga doorashadu ay ku sameeyaan ergooyinka xaqiijin adag.

Xildhibaanada ayaa Horseed u sheegay in qodoabada aan qeexneyn ee faahfaahinta u baahan ay dhamaystirayaan sida Guddiga Doorashada ee isku dhafka ah.

Qaar kale oo kamid ah Xildhibaanada ayaa u arka heshiiskan mid kaba hor imaanaya dastuurka iyo sharciga doorashooyinka gebigiisaba ay meesha ka saarayaan.

Waxaa la is weydiinayaa sida labada aragtiyood ee kala duwan Madaxweyne Farmaajo u maareyn doono, waxaa la aaminsan yahay in uu soo dhaweyn doono haddii isbeddel yar lagu sameeyo laakiin aan la diidin sharciga isla markaana Xildhibaanadu ay dejiyaan wakhtiga lagu shaqeynaayo, kaas oo keensan kara muddo kordhin farsamo oo aan ka badneyn 5 bilood, laakiin haddii Baarlamaanku gebi ahaanba diidan heshiiskan maxay tahay wadada u furan Madaxweyne Farmaajo.

XIldhibaanada Baarlamaanka Federaalka ah wakhtigoodi waa dhamaad waxaana Xildhibaankii u horeeyey ee Baarlamaanka la doortey bishii Oktoobar 2016.

Horseed Media oo wax ka weydiisey arrintan dadka sharciga yaqaan, ayaa ogaatey in Madaxweynuhu haddii heshiisku dhab ka ahaa, isla markaana u tanaasuley dalka dartiis wadada u furan ay tahay in uu dhaqan geliyo qodobka 90aad ee dastuurka xarafkiisa O, kaas oo dhigaya

“Madaxweynuhu wuxuu kala diri karaa Golaha Shacabka marka ay muddadiisa xilku dhammaato, si doorasho ay u aadaan”

Ugu danbeyntii waxaa la ogaan maalmaha soo socda sida Madaxweyne Farmaajo ay uga go’an tahay hirgelinta heshiiska uu Muqdisho ku galay haddii Baarlamaanku caqabad ku noqdo.

Maxamed Cismaan
Horseed Media