Maalinta Caalamiga ah ee Nabadda Adduunka

Published: September 21, 2020

Maanta oo taariikhdu tahay 21 Siteembar ayaa ah maalinta Qaramada Midoobey u asteysey in ay noqoto maalinta nabadda ee caalamka.

Sanadkii 1981 ayaa shirkii loo dhamaa ee Qaramada Midoobey isku raaceen 21 Siteembar in ay noqoto maalinta nabadda, waxaa maanta oo kale meelo kala geedisan oo dunada ah lagu qabtaa shirar looga hadlaayo muhimadda ay nabaddu leedahay.

Xuska maalinta nabadda ee sanadkan 2020 ayaa halkudhig looga dhigay: Shaping Peace Together

Xuska maalinta nabadda Adduunka ayaa inta badan ku soo beegma xiliga loo fadhiyo shirka loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey, waxaana uu sanadkan ku soo beegmayaa iyada oo caalamka oo dhan uu wax ka beddalay xanuunka COVID-19.

Qaar kamid ah magaalooyinka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay maanta ka dhacaan shirar looga hadlaayo muhimadda nabaddu leedahay laguna xusaayo maalinta nabadda adduunka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *