Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada oo olole ka dhex wada Goloyaasha Baarlamaanka

Published: September 21, 2020

Kadib markii Madaxweynaha Dowladda Federaalka Maxamed Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Dowlad goboleedyadu ay heshiis ku gaareen nooca doorasho ee dalka ka dhacaysa, isla markaana la magacabey raysalwasaarihii beddeli lahaa Xassan Cali Kheyre ayaa waxaa bilowdey olole ku aadan meel marinta heshiiska iyo Raysalwasaaraha.

Madaxweynayaasha Puntland, Jubaland iyo Galmudug ayaa kulamo la qaatey Xildhibaanada xilku ka dhamanaayo ee laga soo doorto deeganaada ay ka taliyaan, kulamadan ayaa la sheegay in Madaxda Dowlad goboleedyadu ay diiirada ku saareen in heshiiskii ay wada gaareen Farmaajo uu yahay xalka keliya ee dalku haysto, sidaas darteed ay heshiiska ansixiyaan sida ugu dhakhsiyaha badan.

Heshiiska waxaa kamid ah qodob sheegaya in Baarlamaanku ansixinaayo

Xildhibaanada oo badankood doonayaan in dib loo doorto ayaa doorashada nooca la qaatey ay mugdi gelineysaa rajadooda, waana sababta qaar badan ay ugu miciya lisanayeen in ay helaan laba sano ee muddo kororsi ah, Madaxda Dowlad goboleedyada ayaa u sheegay in Xildhibaanadu ay nasiibkooda ku kalsoonaadaan, iyagana aysan jirin dad ay si gaar ah ugu ololeynayaan.

Sidoo kale Madaxda Dowlad goboleedyada ayaa kala hadley Xildhibaanada sidii loo ansixin lahaa Raysalwasaaraha Magacaaban Maxamed Xuseen Rooble, waxaana ololahan wada Madaxweynaha Galmudug oo kala hadley saaxibadiisa kale.

Waxaa qorshuhu ahaa in Madaxweynye Farmaajo maanta horgeeyo heshiiskii Muqdisho iyo raysalwasaaraha oo isku lamaan baarlamaanka, taas oo dib ugu dhacdey maalin kale oo aan weli la cayimin.

Xildhibaanada laga soo doorto Galmudug
Xildhibaanada Puntland laga soo doorto ee Goloyaasha baarlamaanka

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *