Kusimaha Raysalwasaaraha oo la shiray wakiillada Beesha Caalamka – VIDEO

Published: September 22, 2020

Kusimaha Raysalwasaaraha Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa guddoomiyay shir u dhexeeyay DFS iyo wakiillada beesha Caalamka oo ka dhacay Muqdisho.

Shirkan oo ay sidoo kale goobjoog ka ahaayeen wasiirro ka tirsan xukuumadda xil gaarsiinta ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray arrimaha Amniga, Dhaqaalaha, Bulshada iyo siyaasadda.

Kulankan ayaa kusoo beegmay xili ay magaalada Muqdisho kulamo muhiim ah uga socdaan madaxda Dowlada Federaalka iyo Dowlad Gobaleedyada oo dhawaan heshiis ka gaaray nidaamka Doorashada 2020/21, heshiiskaasi oo la filayo in dhawaan loo gudbiyo Baarlamaanka Federaalka.

Qoraal ayaa Isniintii soo saareen wakiilada Beesha Caalamka ayey ku sheegeen inay ka xun yihiin in aan lagu guuleysan in wadanka laga hirgeliyo doorashadii tooska ahayd, balse sheegeen inay doonayaan in doorashada soo socota ee lagu heshiiyey ay ku dhacdo qaab la wada ogolayahay.

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *