Lebanon: Qarax weyn oo ka dhacay Kaydka hubka Xisbullah

Published: September 22, 2020

Qaraxan ayaa ka dhacay tuulada Cayn-Qaan oo 50km dhinaca Koonfureed ka xigta caasimada dalka Lubnaan ee Beyruut.

Goobta uu qaraxan ka dhacay maanta oo Salaasa ah ayaa lagu soo waramayaa in ay kayd u ahayd ciidamada kooxda Shiicada ah ee Xisbullah.

Qaraxan ayaa laga maqlay goobo fog-fog, iyadoo warbaahinta dalkaasi Lubnaan ay sheegayaan in xoogaga Xisbullah ay xireen dhamaan wadooyinka taga deegaankaasi.

Cilad farsamo ayaa dhalisay qaraxa ayaa lagu yiri war laga siidaayey telefishinka ku hadla afka kooxdaasi Xisbullah.

Israel ayaa marar badan weeraro dhanka cirka ah la beegsatay kaydka hubka kooxda Xisbullah ee ku yaal dalka Lubnaan iyo wadanka ay jaarka yihiiin ee Siiriya.

Dalka Lubnaan ayaan weli kasoo kaban qaraxii weynaa ee bishii Agoosto ka dhacay dekada magaalada Beyruut oo ay ku dhinteen in ku dhaw 200 qof isla markaana ku barokaceen in ka badan 300 kun qof.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *