Madaxweynaha Maxkamada Dunnida Cabdiqawi oo khudbad kasoo jeediyey Shirweynaha UN-ka – VIDEO

Published: September 22, 2020

Madaxweynaha Maxkamada Caalamiga ah Cabdiqawi Yusuf ayaa khudbadiisa oo lasoo duubay laga shiday Shirweynaha Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay oo ka furmay magaalada New York.

Madaxweynaha Maxkamada Caalamiga ah ayaa si gaar khudbadiisa uga hadlay kulankan taariikhiga ah oo noqonaya shirweynihii 75aad ee Golaha Qaramada Midoobay.

Dr.Cabdiqawi ayaa ka hadlay ahmiyada dhismihii Qaramada Midoobay iyo Maxkamada Caalamiga ah, wuxuuna ku booriyey dalalka Caalamka in ay sharciga iyo Cadaalada ka hormariyaan dagaalada iyo in la isku awood sheegto.

Hoos ka daawo khudbada Madaxweyne Cabdiqawi Yusuf:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

2 Comments

  1. Maansha Allah. Aad ayaan ugu faraxsanahay doorkaaga caalamiga ah oo aad ku matalayso Maxkamada Caalamiga ah ee Cadaalada (International Court of Justice) adiga oo Soomaali ah magac iyo miisaan sarena ku leh caalamka. Illaahay ha kugu guuleeyo hawshaas baaxada weyn hana kugu xafido shakhsiyan.