Mahad: ” Aniga kursigay waan kala soo baqay Puntland…” – VIDEO

Published: September 22, 2020

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalle Cawad ayaa caawa ka qaybgalay munaasabad lagu soo dhowanayey madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Mahad Cawad oo khudbad ka jeediyey xafladda ayaa hadalo ku tuur-tuuray madaxweyne Saciid Deni isagoo sheegay inay taageersan yihiin ka gole shacab ahaan heshiiskii Muqdisho ee dowlada federaalka iyo dowlada gobolyada, balse shuruud uga dhigay inuu Deni nabadgeliyo xildhibaanada golaha shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Puntland.

” Aniga kursigay waan kala soo baqay Puntland, Galmudug ayaan usoo wareejistay ee madaxweyne Deni hakaa nabadgalaano kuraasta kale”

Mahad Cawad

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *