Shirka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay oo furmay

Published: September 22, 2020

Waxaa maanta oo Salaasa ah bilowday shirweynaha Golaha Loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay (General Assembly), waxaana shirkan si weyn u saameeyey sanadkan cudurka Covid19 oo ku khasbay madaxda caalamka inaysan kasoo qeyb gelin.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo ah hogaamiyaha kaliya ee ku sugan shirkan ayaa khudbadiisa la filayaa inuu si gaar ah diirada ugu saaro dowlada China oo ay xiligan loolan adag kula jiraan.

Hogaamiyayaasha Caalamka oo awal khudbadaha kasoo jeedin jiray shirweynahan ayaa dhamaantood soo duubay Khudbadahooda oo filim ah kuwaasi oo laga shidi doono golaha, waxaana wadan walba shirkan ku metalaya hal diblumaasi oo ku sugan goobta.

Hogaamiyayaasha maalinta kowaad ee furitaanka ku qoran in khudbadahooda halkaasi laga shido ayaa waxaa kamid ah madaxda sida gaarka ah loo sugayo khudbadahooda; hogaamiyaha China Xi Jinping, Madaxweynaha Turkiga Erdogan, Madaxweynaha Iran Xasan Rowhani iyo Madaxweynaha France Emmanuel Macron.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *