Taliyaha AMISOM oo kormeeray saldhiga Jowhar

Published: September 22, 2020

Taliyaha Ciidamada AMISOM, Diomede Ndegeya ayaa kormeer ku tagay ciidamada AMISOM  qeybta 5-aad ee ku sugan magaalada Jowhar xarunta maamulka Hirshabelle.

Ciidamada AMISOM ee kusugan Jowhar ayaa kasoo jeeda wadanka Burundi kuwaasi oo qaabilsan qaybta 5-aad ee hawlgalka ciidamada Midowga Afrika.

Magaalada Jowhar oo 90km u jirta caasimada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay ay ka dhacayeen weeraro ay geysanayaan kooxda Al Shabaab. Waxaa sidoo kale weli aan si dhameystiran loo sugin amaanka wadada isku xirta xarunta Hirshabeele iyo magaalada Muqdisho.

“…Waxaan aad ugu mahadnaqayaa geesinimada iyo hawsha wanaagsan oo ay ciidamada Burundi ay qabteen tan iyo intii ay hawlgalkooda Soomaaliya ay bilaabeen sanadkii 2007, wadanka Soomaaliya wuxuu horey u ahaan jiray Walaalkeen weyn oo gacan badan siiyey xoriyad-doonkii dalalka Afrika sida wadanka Koonfur Afrika, xiligana waa wakhtigii aan gacan siinlahayn dib usoo celinta amniga…” ayuu yiri Taliyaha oo la hadlayey ciidamada AMISOM.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *