China: Diyaar uma nihin dagaal Qabow iyo Mid kulul toona! – Video

Published: September 23, 2020

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping oo isaguna khudbadiisa ka jeediyey Shirweynaha Qaramada Midoobay ayaa ka gaabsaday inuu u jawaabo cambaareynta bilihii lasoo dhaafay uga imaanayey wadanka Maraykanka.

Hogaamiyaha China ayaa sheegay inuusan dalkiisa diyaar u ahayn xiligan Dagaal Qabow ama mid kulul oo ay dal kale la galaan, isagoo ka digay in la siyaasadeeyo ka hortaga cudurka caalamka ku faafay ee Covid19.

In caalamka iskaashado ayuu ku baaqay Xi Jinping oo sheegay in wadankiisa diyaar uyahay in wixii khilaaf ah lagu dhameeyo wadahadal.

Xi Jinping ayaa sidoo kale ku baaqay in si gaar ah gacan loo siiyo dalalka soo-koraya gaar ahaan Qaarada Afrika isagoo sheegay in la dardar geliyo mashaariicda deyn cafinta ah ee dalalkaasi loo fidinayo.

Madaxweynaha China ayaa sheegay in dadaal xoogleh ugu jiraan sidii loo heli lahaa daawada Covid19 oo hada maraya heer gebo-gebo ah, isagoo sheegay in daawadana la gaarsiin doono dalalka saboolka ah.

Madaxweynaha Maraykanka Trump ayaa daqiiqado kahor khudbadiisa ka jeediyey Shirweynaha ayaa si adag u cambaareeyey China oo uu ku eedeeyey in si ulla kac ah adduunka ugu faafiyeen cudurka Covid19.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *