IRAN: Wadankeena maaha Aalad loo adeegsado ololaha Doorashada Maraykanka – Video

Published: September 23, 2020

Madaxweynaha Iran Xasan Rowxani ayaa khudbadiisa sanadkan ee Shirweynaha Qaramada Midoobay uga digay Beesha Caalamka daan-daansiga ay wado dowlada Maraykanka.

“…Maraykanka marna wadanka Iran kuma khasbi karaan Dagaal ama heshiis…” ayuu yiri Madaxweynaha Iran oo ka hadlayey cadaadiska dalkiisa uga imaanaya Xukuumada Maraykanka.

“…Wadankeena maaha aalad loo adeegsado ololaha doorashada Maraykanka, dowlad walba oo timaada kadib doorashadaasi waxay la kulmi doontaa dhabar-adeyga dalka Iran…” ayuu yiri hogaamiyaha Iran.

Dowlada Iran ayaa diiday inay wax wadahadal ah la gasho Maraykanka, kadib markii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ka baxay heshiiskii la saxiixay 2015, isla markaana cunaqabateyn horleh kusoo rogay Tehran.

Xasan Rowxani ayaa sheegay inay tahay guul taariikhi ah oo ay gaareen dhankooda mar hadii Maraykanka uu noqday kii ka baxay heshiiskii Beesha Caalamka isla markaana doorbiday go’adoon siyaasadeed.

Cabdirisaq Shiino
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *