Macron: Beesha Caalamka uma afduubnaan-karto xiisada u dhaxeysa Maraykanka & China – Video

Published: September 23, 2020

Madaxweynaha France Emmanuel Macron oo kamid ahaa hogaamiyayaasha Caalamka ee khudbadahooda Salaasadii shalay kasoo jeediyey Shirweynaha Qaramada Midoobay ayaa Beesha Caalamka ugu baaqay inay u midoobaan xal u helida xiisadaha taagan.

Macron ayaa si adag uga hadlay arrinta wadanka Iran oo ay cunaqabateyn horleh kusoo rogtay dowlada Maraykanka.

Madaxweynaha Faransiiska ayaa sheegay in wadankiisa iyo dalalka Midowga Yurub ee xubnaha ka ah heshiiskii 2015 ee Beesha Caalamka la gashay Iran ay ka go’antahay dhaqan-gelinta heshiiskaasi.

Wuxuu sidoo kale ka hadlay xiisada u dhaxeysa Maraykanka iyo China oo saameyn weyn ku yeelatay caalamka, wuxuuna sheegay in Adduunka oo dhan aan lagu soo koobi karin loolanka u dhaxeeya labadaasi dal, balse looga baahan yahay Beesha Caalamka in ay la yimaadaan xal sadexaad oo lagu maareeyo khilaafyada jira.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *