Madaxweyne Deni Oo si weyn loogu soo dhaweeyey Baydhabo + VIDEO

Published: September 23, 2020

Madaxweynaha Dowladsa Soomaaliyeed ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa galabta ka gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Koonfur Galbeed.

Madaxweyne iyo wafdigiisa ayaa waxaa halkaas kusoo dhoweeyey dhigiisa Koonfur Galbeed Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, madaxda kale ee Koonfur Galbeed iyo boqolaal shacabka magaalada Baydhabo ah.

Safarka Madaxweynaha ayaa ah mid aan horey loo shaacin, waxaana uu daaran yahay sikaashiga labada maamul ee Puntland iyo Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Deni ayaa bilihii u danbeeyey wadey siyaasad ka duwan tii hore oo ku dhisan iskaashi in uu la yeesho dhamaan dhinacyada Soomaaliya.

Saciid Cabdullaahi Deni, tan markii loo doortay hogaanka Puntland 2019 waa safarkiisii ugu horeysay ee uu ku tago magaalada Baydhabo ee xarunta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

SAWIRO:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *