Raysalwasaare Rooble oo helay codka Kalsoonida – VIDEO

Published: September 23, 2020

Raysalwasaaraha Xukuumadda Federaaliga ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta heley codka kalsoonida.

Fadhiga Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa dhamaa 215 Xildhibaan, waxaana dhamaantood u codeeyeen in ay kalsoonida siiyaan, ma jirin cid diidey iyo cid ka aamustey.

Raysalwasaraae Rooble ayaa isla goobta lagu dhaariyey, kadib markii uu helay codka kalsoonida.

Raysalwasare Rooble ayaa hadda laga doonayaa in uu soo dhiso xukuumad cusub.

Magacaabidda Raysalwasaara ayaa imaaneysa iyada oo xiligii Dowladda ay ka harsan tahay muddo aad u yar, waxaana jira shaki la qabo in ay dhici karto muddo kororsi gaareysa 13 bilood.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo fadhiga ka soo qaybgalay kadib kalsooni siinta raysalwasaare Rooble ayaa fadhiga soo xirey.

Hoos ka daawo khudbadiisa:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *