CCW: Ra’isul Wasaaruhu Ma Doonayo Wax muddo kordhin ah

Published: September 24, 2020

Ra’isul wasaaraha cusub ee barlamaanku ansixiyay Maxamad Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah guddoomiyaha Xisbiga wadajir,

Qoraal uu soo dhigay bartiisa facebooga ayaa Cadiraxmaan ku sheegay in Ra’isul wasaaraha cusub uu martiqaaday ayna yeesheen kulan iswarysi iyo Talo jeedin ahaa.

“Waxaan si gooni ah diirada u wada saarnay arrimaha mudnaanta leh oo ay ugu horayso doorashada oo xiligeeda ku dhacda si cadaalad iyo sinaan lehna u dhacda” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Wuxuu sheegay in Ra’isul wasaaruhu uusan doonayn wax muddo kordhin ah, uuna ku dadaalayo sidii doorashadu ugu qabsoomo lahayn xiligeeda

“Waxaan uga mahadcelinaya Raysalwasaaraha kalsooni gelinta ku aaddan in uusan doonaynin wax muddo kordhin ah, daddaal walbana uu isugu gaynayo sidii doorshada xilligeeda ugu qabsoomi lahayd, iskuna deyi doono in uu dadka u sinaado. Waxaan kaloo u mahadcelinaya Xildhibaan Abtidoon yare oo fududeeyay qabsoomida kulanka”

Siyaasi Cabdiraxmaan ayaa si xoog leh u dhaliili jiray xukuumadii hore ee ra’isul wasaare Xasan Cali Khayre.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *