Ciidamada Itoobiya oo Lagu Ammaanay Sugida Amniga Maamulka Koonfur Galbeed

Published: September 24, 2020

Taliyaha Ciidamada Howlgalka Midowga Afrika ee (AMISOM) Diomede Ndegeya, ayaa ku ammaanay ciidamada Itoobiya  ee fadhigoodu yahay degaanada Koonfur-galbeed sugidda amniga iyo kaalintii ay ka geysteen guud ahaan dadaallada loogu jiro xasilinta Soomaaliya.

Taliyaha ayaa booqday ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan Magaalada Beydhabo, wuxuuna kala hadlay xoojinta wadashaqeynta dhinacyada AMISOM iyo sidii loo dardrgali lahaa howlgalada lagu baacsanaayo kooxaha nabad-diidka.

Gobollada Baay, Bakool, iyo Gedo, waxaa ku sugan ciidamo ka socda Difaaca Qaranka Itoobiya oo xaruntoodu tahay Magaalada Baydhabo, ee xarunta Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *