Imaaraatiga oo 7 Sanno ka dib helaya Diyaaradaha Dagaalka ee F35

Published: September 24, 2020

Safiirka Maraykanka u fadhiya Isreal David Friedman ayaa u sheegay wargayska Jerusalam in Imaaritigu ay muddo lix ama todobo sanno ay ku heli doonaan qaybta ugu horraysa ee diyaaradaha dagaalka ee casriga ah ee F35

Imaaraatiga ayaa ku bedashay heshiiska ay la galeen dowladda Israel in uu Maraykanka ka iibiyo hubka Casriga ah gaar ahaan diyaaradaha dagaalka ee loo yaqaan F35, hase yeeshee heshiiska kasta oo hub casri ah lagaga iibinayo wadamada carabta waa in marka hore ay ogolaato dowladda Isreal.

” Imaaraatigu waxay muddo 7 sanno ah raadinayeen in laga iibiyo diyaaradaha F35, lix ilaa 7 sanno oo kale ayay ku qaadanaysaa inay helaan qaybta u horraysay ee diyaaradahaasi dagaalka” Sidaas waxaa yiri Safiirka Maraykanka ee Isreal

Dowladda Isreal ayaa walaac ka qabta in awoodadeeda milateri ee dhinac hawada lagula tartamo. hase yeeshee waxaa loo sheegay isreal in hub iyo diyaarado ka casrisan kuwo laga iibinayo Imaaraatiga la siin doono.

Isreal ayaa hadda ah wadanka keliya ee ku yaal bariga dhexe ee isticmaala diyaaradaha F35

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *