Shabaab oo Dil Ku Fulisay Nin Lagu Soo Eedeeyay Sixiroolanimo

Published: September 24, 2020

Ururka Alshabaab ee ka taliya qaybo ka mid ah koofurta iyo bartamaha Somaliya ayaa goob fagaare ku toogtay nin ay ku eedeeyeen inuu yahay sixiroole.

Ninka la toogtay oo lagu magacaabo Ahmed Kusane Hassan ayaa lagu soo eedeeyay inuu sixir ku kala furi jiray lamaanayaasha isqaba , islamarkaana uu dhibaato ku hayay dadka degaanka tuulada Garaseey Kuusa ee gobolka jubada dhexe .

Alshabaab waxay sheegeen in shareecada islaamka ay farayso inay dilaan dadka ku shaqaysta Sixirka.

Ururka Alshabaab ayaa dilal noocan oo kale ku fuliyay dad ay ku eedeeyeen inay adeegsadaan sixirka iyo qaar kale oo tuhmeen inay basaasiin yihiin.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *