Boqorka Malaysia oo Isbitaalka la dhigay xili ay jirto Xiisad siyaasadeed

Published: September 25, 2020

Xafiiska Boqortooyada Malaysia ayaa maanta oo Jimce ah shaaciyey in Boqor Sultan Abdullah isbitaalka la dhigay, xili xiisad siyaasadeed ka dhex jirto Baarlamaanka dalkaasi.

Hogaamiyaha Isbaheysiga Mucaaridka Anwar Ibrahim ayaa sheegay in uu hada heysto codka inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka in xilka laga xayuubiyo Raysalwasaaraha hada xilka haya Muhyiddin Yassin.

Xisbiga Muhyiddin Yassin oo tiro yar ku heysta Aqlabiyada Baarlamaanka ayaa la sheegay in xisbigiisa isaga baxeen tiro xildhibaano ah oo ku biiray mucaaridka. Balse Yassin ayaa diidan inuu xilka isaga dego.

Bidix: Hogaamiyaha Mucaaridka Anwar Ibrahim – Midig: Raysalwasaare Muhyiddin Yassin

Hogaamiyaha Mucaaridka Anwar Ibrahim ayaa olole ugu jiray in Boqor dalkaasi uu fursad usiiyo inuu isagu soo dhiso xukuumad cusub, hase yeeshee Boqorka ayaa la sheegay inuu xiligan ku jiro isbitaal oo uusan cidna qaabileyn.

Xiisada ka dhex taagan xisbiyada dalkaasi Malaysia ayaa imaaneysa 7 bilood kadib markii uu xilka qabtay Raysalwasaaraha Muhyiddin Yassin xili uu hoos u dhac weyn ku yimid dhaqaalaha dalkaasi.

Boqorka Malaysia ayaan inta badan soo dhexgelin siyaasada, balse wuxuu awood usiinayaa dastuurka dalkaasi inuu isagu magacaabo Raysalwasaaraha uu isleeyahay wuu soo dhisi karaa xukuumad heysata kalsoonida Baarlamaanka.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *