Kim Jong Un oo raali gelin ka bixiyey dilka Sarkaal kasoo jeeda Kuuriyada Koonfureed!

Published: September 25, 2020

Hogaamiyaha Kuuriya Waqooyi ayaa maanta oo Jimce ah markii ugu horeysay raali gelin ka bixiyey dilkii ay ciidamadiisa u geysteen ma’uul u dhashay dalka ay jaarka yihiin ee Kuuriyada Koonfureed.

Sarkaalkan u qaabilsanaa Kuuriyada Koonfureed arrimaha Kaluumeysiga ayaa la waayey isniintii lasoo dhaafay wuxuuna watay dooni yar, waxaana la xaqiijiyey in ay rasaas ku fureen ciidamada Kuuriyada Waqooyi meel u jirta 10km xad baddeedka u dhaxeeya labada dal.

Waraaq uu Kim Jong Un maanta u diray Madaxweynaha Kuuriyada Koonfueed Moon Jae-in ayuu ku sheegay inuu ka xun yahay falkan isla markaana uu baaritaan ku sameyn doono shilkan.

Kuuriyada Waqooyi ayaa beenisay war kasoo baxay Kuuriyada Koonfureed khamiistii shalay oo lagu sheegay in ciidamada Kim Jong Un ay qabteen isla markaana dileen oo ay meydkiisa gubeen sarkaalkan u dhashay Kuuriyada Koonfureed.

Markab ay leeyihiin ciidamada badda ee Kuuriyada Waqooyi ayaa rasaas ku furay doonidii uu watay ninkaasi, rasaastaasi oo keentay inuu dab qabsado doontaasi waana been ee lama gubin  meydka sarkaalkaasi ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Kuuriyada Waqooyi.

Cabdirisaaq Shino
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *