MALI: Madaxweynaha Kumeel-gaarka ah oo markii ugu horeysay warbaahinta lagu arkay

Published: September 25, 2020

Col. Bah Ndaw oo todobaadkan loo magacaabay Madaxweynaha kumeel gaarka ah dalka Mali ayaa lagu wadaa in maanta xilka loo dhaariyo.

Bah Ndaw oo ah 70 sano jir horey uga tirsanaan jiray ciidamada militariga oo uu ka gaaray heerka Koroneyl ayaa waxaa xilkan u magacaabay Militariga bishii lasoo dhaafay la wareegay awooda dalkaasi.

Col. Assimi Goita oo ah Guddoomiyaha Kooxda Militariga ee 18kii Agoosto inqilaabay dowladii Mali ayaa isagana noqon doona Madaxweyne kuxigeenka.

Dowladan Kumeel gaarka ah ayaa laga rabaa in ay doorasho ku qabato muddo 18 bilood gudaheed ah.

Madaxweynaha cusub Col.Bah Ndaw oo muddo hore ka fariistay xilkii uu militariga ka hayey ayaa Khamiistii shalay kulankiisii ugu horeeyey la yeeshay wafdi ka socda Urur gobaleedka ECOWAS.

Urur gobaleedka ECOWAS oo ay ku mideysan yihiin 15ka dal ee Galbeedka Afrika ayaa cadaadis weyn ku hayey militariga Mali inay xilka Madaxweynaha ku wareejiyaan hogaamiye shibil ah, ECOWAS ayaa cunaqabateyn kusoo rogtay dalka Mali tan iyo markii xilka laga tuuray Madaxweynihii la doortay ee Ibrahim Boubacar Keita.

ECOWAS ayaa maanta oo Jimce ah shaacin doonta in ay qaadi doonaan cunaqabateynta saaran Mali iyo in kale, ururka ayaa horey  militariga ugu xiray sharuudo dhowr ah oo ay kamid ahayd xil wareejinta iyo siideynta Madaxdii hore ee xabsiga lagu hayey.

Ciidamada Mali ayaa xabsiga kasii daayey Madaxweynihii hore Ibrahim Boubacar Keita, balse waxaa weli u xiran Raysalwasaarihii hore Boubou Cisse iyo qaar badan oo kamid ah xukuumadiisa.

Maxamed Cismaan
Horseed Media  

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *