Xisbiyadaa Falastiin oo ku heshiiyey xiliga Doorashada

Published: September 25, 2020

Labada xisbi ee ugu weyn ee ka jira Falastiin ayaa ku heshiiyey xiliga la qaban doono doorashadii ugu horeysay ee dhulkaasi ka dhacda muddo 15 sano ah.

Heshiiskan ayaa kasoo baxay kulamo wafuud labada dhinac metalaya uga socday dalka Turkiga, wuxuuna heshiiskan ay wada gaareen xisbiga talada haya ee Fatax iyo Xamaas oo ka talisa Marinka Gaza, qeexayaa in doorashada guud la qabto 6 bilood gudaheed.

Hogaamiyayaasha labada xisbi Madaxweyne Maxamuud Cabaas (Xisbiga Fatax) iyo Hogaamiyaha Xamaas Ismail Haniya ayaa heshiiskan ogolaaday.

Doorashadii ugu danbeysay ee Baarlamaanka oo la qabtay sanadkii 2006 ayaa waxaa si weyn ugu guuleystay Xamaas.

Doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha ayaa ahaa mid kamid ah qodobada ugu muhiimsan oo ay isku khilaafsanaayeen labada xisbi taasi oo keentay inay xiriirka kala goostaan.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *