Baarlamaanka Federaalka oo cod Aqalabiyad ah ku ansixiyey heshiiskii Doorashada 2020/21

Published: September 26, 2020

Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan wadajir ah yeeshay si ay u ansixiyaan Heshiiskii ay wada gaareen Madaxda Dowlada Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah ayaa cod u qaaday ansixinta heshiiskan.

Kulankan oo ay ku sugnaayeen inta badan xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka labadiisa aqal intooda Muqdisho ku sugan ayaa waxaa khudbado kooban kadib codka loo qaaday ansixinta heshiiskan.

252 Xildhibaan ayaa taageeray heshiiskan, halka ay diideen 2 xildhibaan waxaana ka aamusay 1 xildhibaan.

Ansixinta heshiiskan ayaa meesha ka saareysa walaacii laga qabay in Baarlamaanka horjoogsado heshiiskii muddada dheer kasoo shaqeenayeen Villa Soomaliya iyo Madaxda Dowlad Gobaleedyada ee lasoo saaray 17kii bishan September 2020.

Xildhibaanada ayaa sheegay inaysan waxna ka bedaleen qodobada heshiiska maadaama uu yahay heshiis siyaasadeed, balse waxay raaciyeen lifaaq kooban oo la xariira qaabka soo xulista Ergada oo ay sheegeen sida loo qoray in la saxo, iyagoo codsaday in laga dhigo in Ergada Xildhibaanada soo dooraneysa ay soo xulaan Issimada (Beelaha) & Bulshada Rayidka, halka Dowlad Gobaleedka kaalinteedu tahay diiwaangelinta.

Xilhaynta Hay’adaha Dastuuriga ah ee Dawladda
Baarlamaanka ayaa laba qodob ku daray dhanka siiheynta xilkooda iyagoo sheegay in:

  1. Si aysan u dhici firaaq ku yimaado sharciyadda jiritaanka hay’adaha Dastuuriga ah ee Dawladda Federaalka; Baarlamaanka 10-aad oo awoodihiisa Dastuuriga ah u dhamaystirantahay ayaa xilkiisa sii haynaya ilaa iyo maalinta la dhaariyo xildhibaanada loo soo dooratay Baarlamaanka cusub ee 11-aad ee Soomaaliya si waafaqsan Qodobka 60aad ee Dastuurka Faderaalka iyo wax-ka-beddelka lagu sameeyey Sharciga Lr. 20 ee 27.06.2016.
  2. Hay’adaha kale ee Dastuuriga ah ee Dawladda Federaalka ayaa xilalkooda sii haynaya ilaa iyo inta laga dhiso hay’ad walba hay’addii beddeli lahayd.

Xildhibaanada labada aqal ayaa waxaa cadaadis uga yimiad Madaxda Dowlada gobaleedyada oo xildhibaanada gobaladooda laga soo doortay ka codsaday inay codkooda siiyaan heshiiskan si loo aado doorashada wakhtigeeda.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *