Trump oo Haweenay u magacaabay Garsooraha cusub ee Maxkamada Sare

Published: September 27, 2020

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa si rasmi ah ugu magacaabay Garsooraha Maxkamada Sare Haweenayda Amy Coney Barrett oo bedali doonta booskii ay ka dhimatay Haweenaydii Garsooraha ka ahayd Maxkamada Sare Ruth Bader Ginsburg oo dhawaan geeriyootay.

Ruth Bader Ginsburg oo tacsideeda loo fadhiyo ayaa ahayd Garsoore u jeen jeerta dhanka bidix isla markaana kamid ahayd Garsoorayaasha Maxkamada Sare ee inta badan taageera sharuucda Dimuquraadiga, Trump ayaa fursad kale u helay in booska uu ku buuxiyo haweenaydan Amy Coney Barret oo u jeen jeerta dhanka Jamhuuriga.

Maxkamada Sare oo ah midda ugu awooda sareysa hay’adaha Dastuuriga ah ee dalka Maraykanka ayey hada kusoo hareen 3 Garsoore oo dhanka Dimuquraadiga magacaabeen halka 6da kale ee Garsoore ka imaanayaan dhanka Jamhuuriga.

Xubnaha loo magacaabo Maxkamada Sare ayaa xilka haya illaa inta ay ka dhimanayaan ama is-casilayaan, wuxuuna qorshaha Jamhuuriga yahay inay siiheystaan aqlabiyada cododka Garsoorayaasha Maxkamada Sare sanadaha soo socda.

Aqalka Sare ee Maraykanka oo la doonayo inuu ansixiyo magacaabistan ayaa raba inay dadajiyaan u codeynta Garsooraha cusub kahor inta aan la gaarin doorashada November, arrintan oo ay si weyn uga soo horjeedeen Xisbiga Dimuquraadiga.

Dimuquraadiga iyo weliba qaar kamid ah Jamhuuriga ayaa qaba in loo daayo magacaabistan Madaxweynaha la dooran doono November.

Haweenaydan Amy Coney Barret ee xilkan loo magacaabay ayaa tan iyo sanadkii 2017 joogtay Maxkamada Racfaanka [7th U.S. Circuit Court of Appeals] ee fadhigeedu yahay magaalada Chicago, xilkaasi oo uu horey ugu magacaabay isla Trump.

Ms.Barret ayaa intii ay joogtay maxkamada Racfaanka ee Chicago codkeeda ku taageertay qorshaha Trump uu doonayey inuu wax uga bedalo sharuucda Xaquuqda & Qaabilaada dadka Soogalootiga ama Qaxootiga ah, waxayna kamid tahay Garsoorayaasha sida weyn u taageersan Qodobka 2aad ee Dastuurka Maraykanka ee u fasaxay shacabka inay hub heysan karaan.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *