Dagaalka Azerbaijan iyo Armenia – Beesha Caalamka oo xabad joojin ku baaqday

Published: September 28, 2020

Waxaa weli socda dagaalkii Axadii shalay dib uga dhex bilowday dalalka jaarka ah ee Azerbaijan iyo Armenia, dagaalkan oo daba socda deegaanka la isku heysto [Nagorno-Karabakh] ee ka tirsan dhulka Azerbaijan balse ay maamulaan reer Armenia.

Dhulka la isku heysto Nagorno-Karabakh ayey sanadkii 1994 kadib burburkii Dowladii Sofiyeetka xoog kula wareegeen dadka deegaankaasi u badan oo asal ahaan kasoo jeeda Armenia, balse dhulkaasi ayaa kamid ah wadanka Azerbaijan.

Ciidamada Armenia ayaa sidoo kale ku sugan inta u dhaxeysa gobalkaasi illaa iyo xaduuda dhulka Armenia oo ay xoog ku qabsadeen.

Marar badan oo la isku dayey in dhulkaasi lagu muransan yahay lagu xaliyo wadahadalo ay dhex dhexaadinayeen Beesha Caalamka, balse lagu fashilay.

Labada dhinac ayaa midba midka kale ku eedeenaya inay dagaalka bilaabeen, waxayna labaduba sheegteen guulo.

Armenia ayaa sheegtay inay soo riday sadex diyaar helikobter iyo 3 diyaaradood oo drone ah, isla markaana Azerbaijan ka burburiyeen dhawr Taangi.

Dhinaca Azerbaijan ayaa sheegtay guulo inay iska difaaceen weerar uga yimid dhanka Armenia.

Labada dal ayaa soo rogay xaalad deg deg ah, waxayna labada dowladood ay u yeerteen ciidamadooda kaydka u ah iyagoo shacabkooda ugu baaqay inay ka qeyb-qaataan  difaaca dhulkooda.

Wadanka Turkiga oo dhanka kale ka xiga Armenia ayaa sheegay inuu gacan siinayo Azerbaijan.

Turkiga iyo Armenia ayey ka dhaxeysaa taariikh dheer oo cadaawad ah taasi oo boqol jirsatay. Armenia ayaa Beesha Caalamka ugu baaqday inay ka hortagto in Turkiga faraha lasoo galo dagaalkan.

Ruushka oo xiriir wanaagsan laleh dhinacyadan dagaalamay ayaa la sheegay inuu waan waan wado, walow dagaaladan ay yihiin kuwii ugu adkaa ee dhulkaasi ka dhaca tan iyo sanadkii 2016.

Qaramada Midoobay iyo Isbaheysiga NATO ayaa labaduba soo saaray baaqyo xabad joojin ah, iyagoo sheegay in dagaal noocaan ah aan loo baahneyn, uuna keeni doono khasaaro badan.

Dagaalkan ayaa ka duwan kuwii horey uga dhacay dhulkaasi tan iyo illaa dagaalkii sokeeye ee 1994 oo ay ku dhinteen in ka badan 30-kun oo qof, wuxuu dagaalkii shalay halmar ka bilowday dhamaan xaduuda dheer oo ay isku horfadhiyaan ciidamada labada wadan, mana ah dagaalkan mid ku kooban hal degmo.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment