Garowe: Qof shacab ah oo ku geeriyoodey rasaas askeri furay

Published: September 29, 2020

Hal qof ayaa ku geeriyoodey magaalada Garoowe kadib markii uu rasaas ridey askeri kuwa canshuurta ururiya ah.

Askeri rasaasta ridey ayaa qof kale oo ganacsade ah kula murmaayey lacagta canshuurta, kadibna waxa uu amaanka u furey qorigiisi waxaana uu ridey rasaas badan taas oo haleeshay Cabdulqaadir Siciid aw-Yussuf.

Sarkaal u hadley Booliska ayaa sheegay in la xirey askerigii rasaasta ridey.

Ciidamada booliska ayaan qaadan budhka Booliska, awooda keliya ee ay isticmaalaan ayaa ah qoriga, waxaana ay mararka qaarkood si hoose shacabka ugu ridaan rasaas, taas oo la sheegay in ay tahay aqoon xumo iyo akhlaaqda oo hooseysa.

Dhawaan ayaa ciidamada Booliska qaarkood tababar loogu soo xirey saldhig lagu tababari jirey ciidanka Daraawiishta oo ku yaala magaalada Qardho, ciidamada Booliska ayaa u baahan in loo tababro sidii ay u badbaadin lahaayeen shibilka, halkii tababaradoodu noqon lahaayeen booliska Milteriga ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *