Madaxweynayaasha Dowlad goboleedyada oo bilaabey ballanqaadka kuraasta baarlamaanka – VIDEO

Published: September 29, 2020

Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed (Laftagareen) ayaa habeenkii xalay ka qaybgalay casho sharaf uu sameyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal, taas oo lagu casumey Xildhibaanada laga soo doorto Koonfur Galbeed, waxaana kulanka lagu sheegay in uu ahaa mid is cafin ah kadib muddo afar bilood ku dhaw oo siyaasadda dalku ahayd mid cakiran gaar ahaan sida laga yeelayo doorashooyinka.

Cabdicasiis Laftagareen ayaa jediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysa, waxaana uu ka hadley doorashada soo socota isaga oo bixiyey balanqaad ku aadan kursi ka tirsan golaha shacabka in xildhibaanka hadda ku fadhiyaa dib ugu soo noqon doono.

Madaxweyne Laftagreen ayaa Xildhibaan Maxamed Mursal Boorow u balanqaaday inuu soo noqon doono waxaana uu sabab uga dhigey in uu yahay dhibane ay dhaawaceen al-Shabaab, dhiigiisana u daadsheen qaranka Soomaaliyeed darteed.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si lamid ah laftagreen isaga oo ka jawaabaya sababta Mahad Cawad kursigiisa ugala cararey Towfiiq oo ka tirsan Puntland una geystey deegaanada Galmudug ayaa yiri, soo celi kursiga waxaan kuu ballan qaadey in cid aan adiga ahayn ku soo bixi doonin.

Arrintan ayaa laga muujiyey durba welwel iyada oo aan la gaarin doorashadii in madaxweynayaasha Dowlad goboleedyadu ay sii ballan qaadayaan cidda ku guuleysan doonto, ama ay bixiyaan damaanad qaad.

Doorashada ayaa lagu heshiiyey in ay noqoto mid tartan ah oo ay ka qaybgalaan 101 ergay.

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *