Dhismaha Guddiyada Doorashadu maka adkaan doonaa doodii Heshiiska?

Published: September 30, 2020
Doorashooyinka 2020

Waxaa habeenkii xalay ahaa si rasmi ah u bilowdey dhamaystirka heshiiskii doorashada dadban ee Dowladda Federaalka+Gobolka Banadir iyo Dowlad goboleedyada. Shirka habeenkii xalay bilowdey waxaa ka soo qaybgalay Shanta Madaxweyne ee Dowlad goboleedyada Soomaaliya, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, warar ku dhaw shirka waxay sheegayaan in Raysalwasaare Maxamed Xuseen Rooble aanu shirka kaqayb ka ahayn, oo codsadey in ay dhamaystiraan wixii ay ku heshiiyeen.

Kulanka cusub ayaa daaran dhamaystirka wixii lagu heshiiyey ee 15 qodob kuwaas oo qaarkood u baahnaayeen in la qeexo halka qaar kale u baahnaayeen in la fuliyo ka hor doorashada.

Dooda ugu culus ayaa ka taagan Dhismaha Guddiga Doorasho ee heer Federaal ee heshiiskii 17 September la gaarey kaas oo dhigaayey:

In Dowladda Federaalka ay magacawdo Guddi Doorasho oo heer Federaal ah kaas oo kaashanaya Guddi Doorasho oo heer Dowlad Goboleed ah

Dowladda Federaalka ah oo ka faa’ideysanaysa khibraddii 2016 ayaa dooneysa in ay magacaabto guddi doorasho oo aad uga tiro badan kii 2016 si ay isu kala qaybin karaan dhamaan deegaanada doorashadu ka dhacayso sida ay Horseed Media u sheegeen xog-ogaalyo ku dhaw Villa Somalia.

Dooda ugu adag ayaa ah cidda hoggaamineysa doorashada, waxaana heshiiska ka muuqata in guddiga doowladda federaalku hoggaamin doono,laakiin doorka guddiga Dowlad goboleedyadu noqon doono kaalmeyn.

Qodobada kale ee u baahan in la qeexo Baarlamaankuna wax ka beddalay ayaa ah, doorka soo xulidda ee Dowlad goboleedyada, kaas oo Baarlamaanku sheegay in uu noqon doono diiwaan gelinta ergooyinka.

Dhanka kale waxaa soo baxdey oo Baarlamaanku dalbadey sida laga yeelayo khilaafaadka iyo isku qabsiga kuraasta, waxaana la filayaa in qodobkaas lagu soo doro inkasta oo aanu heshiiskii hore ku jirin.

Waxaa wararku sheegayaan in Madaxda Dowlad goboleedyada iyo Madaxweyne Farmaajo ay dul istaagayaan dhamaaan qodobada loo baahan yahay oo dhan oo guddiyada la dhisdaayo aysan waxba u reebayn, tan oo adkeyn karta dooda iyo wada xaajoodka, waxaana la rumeysan yahay in arrimahaani ka dhib badan yihiin kuwii hore.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *