USA: Doodii ugu horeysay ee Murashaxiinta Trump iyo Biden oo buuq & fowdo ku dhamaatay – Video

Published: September 30, 2020

Doodii ugu horeysay ee dhexmartay Murashaxiinta Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump iyo Murashaxa Dimuquraadiga Joe Biden ayaa ka dhacday magaalada Cleveland ee gobalka Ohio.

Trump ayaa 90kii daqiiqo oo ay dooda socotay xooga saaray inuu fowdeeyo Biden iyo inuu hadalka ka dhexgalo isagoo buuq ku furaya, doodan ayey labada dhinac is-dhaafsadeen eedeymo kulul.

Dooda waxaa daadihinayey Wariyaha Chris Wallace oo ka tirsan telefishinka Fox News, wuxuuna ku guuleysan waayey intii ay dooda socotay inuu labada nin xakameeyo.

Qodobada ugu muhiimsan oo ay labada nin ka doodeen ayaa waxaa kamid ahaa Xaalada Caafimaad gaar ahaan Cudurka Covid19, Dhaqaalaha, Magacaabida Garsooraha Maxkamada Sare iyo xiisadaha cunsuriyada ee ka jirta dalkaasi.

Doodan ayaa ahayd mid adag oo ay labada murashaxa aysan ku guuleysan inay ku cadeeyaan qorshahooda, balse xooga saaray inuu midba midka kale eedeeyo.

Trump ayaa intii dooda socotay la weydiiyey in uu cambaareeyo kooxaha Cunsuriyiinta ee dalkaasi kusii xoogeysanaya, balse wuu diiday inuu si toos ah kooxahaasi u cambaareeyo.

Biden ayaa sidoo kale xooga saaray in uu muujiyo Trump inuu ku fashilay siyaasada isla markaana u horseeday dalka Maraykanka dhibaatooyin badan oo ay ku jirto hoos u dhaca dhaqaalaha iyo fashilka ka hortaga cudurka Covid19.

Murashaxa Dimuquraadiga ayaa sidoo kale ku eedeeyey in Trump sabab u yahay xiisadaha ka dhex taagan xiligan shacabka Maraykanka ee salka ku haya isir-sooca iyo cunsuriyada.

Doorashada dhici doonta 3da November ayaa ah midii ugu adkeyd oo dalkaasi ka dhacda in muddo ah iyadoo ay taageerayaasha labada xisbi ay si weyn ugu kala aragti duwan yihiin siyaasada dalkaasi, gobalada qaarkood ayey hada ka bilowdeen inay shacabka codkooda dhiibtaan, dad ka badan 1.4 milyan qof ayaa la sheegay inayba hada si horudhac ah codkooda u dhiibteen.

Cudurka Covid19 ayaa laga yaabaa inuu saameyn ku yeesho codbixinta, taasi oo keentay inay dadka qaarkood doorbidaan in hada ay codkooda siidhiibtaan intaan shacabka buuxin goobaha codbixinta 3da bisha November, cododka tirintooda ayaa bilaabmi doonta maalinta doorashada.

Hoos ka daawo dooda oo dhameystiran

Khalid Yusuf
Horseed Media   

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *