IRAQ: Saldhigyada Maraykanka ee Erbil oo la duqeeyey

Published: October 1, 2020

Saldhiga uu Maraykanka ku leeyahay ismaamulka Kurdida ee waqooyiga Ciraaq ayaa la sheegay in xalay lagu dhuftay gantaalo.

Duqeyntan lagu qaaday Saldhiga Maraykanka ku leeyahay Madaarka magaalada Erbil ee caasimada Kurdida ayaa la sheegay inaysan ka dhalan wax khasaaro dhimasho ah.

Lix gantaal ayaa lagu soo tuuray Madaarka Erbil ee caasimada Kurdistan, afar ayaa ku dhacay  banaanka Airportka halka labo kale aysan qarxin sida ay sheegeen saraakiisha amniga ee Kurdida.

Kooxaha Shiicada ah ee hubeysan ee loo yaqaan [Popular Mobilization Forces](PMF) ayaa lagu eedeeyey inay ay weerarkan ka danbeeyeen, waxaana lagu soo beegay saacado kadib markii Maraykanka ku hanjabay inay xiri doonaan Safaarada ay ku leeyihiin caasimada Ciraaq ee Baqdaad.

Dowlada Maraykanka ayaa si weyn uga walaacsan saameynta IRAN ku yeelatay gudaha wadanka Ciraaq oo ay ku sugan yihiin ciidamada Maraykanka.

Maraykanka ayaa ku eedeeyey dowlada Ciraaq inay xakameyn weyday kooxaha Shiicada ah ee taageerada ka hela Iran.

Arbacadii shalay ayey maleeshiyaadkan bambaano wadada u dhigeen gaadiid kasoo baxay Airportka Caasimada Baqdaad oo kusii  jeeday xarunta Diblumaasiyiinta degen yihiin ee loo yaqaan Green-zone.

Dowlada Ciraaq ayaa dhankeeda sheegtay in xiritaanka Safaarada Maraykanka ay dhiiri gelin doonto kooxaha argagaxisada ah sida Daacish.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *