Putin oo Macron ku yiri: “Faraha kala bax Belarus”

Published: October 1, 2020

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ka dalbadey dhigiisa Faransiiska, Emmanuel Macron, inuu ka fogaado xiisadda ka taagan dalka Belarus. Fariinta ayaa Putin ugu gudbiyey Macron mar ay Telefonka kuwada xiriireen iyada oo laga hadlaayo dagaalka Armeeniya iyo Azarbijaan

“Isku day kasta oo lagu faragalinayo arrimaha gudaha ee dowlad madax-bannaan iyo in lagu cadaadiyo mas’uuliyiinta sharciga ah oo dibedda ka imanaya waa wax aan la aqbali karin,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo abxayKremlin-ka.

Baaqa ayaa yimid kadib markii Macron uu Talaadadii la kulmay hogaamiyaha mucaaradka Belarusiya Svetlana Tichanovskaya dalka Lithuania. Sida laga soo xigtay haweeneydan mucaaradka ah ee Belarusiya, Macron wuxuu, ballan-qaaday inuu gacan ka geysan doono wadahadallada lala yeelanayo mas’uuliyiinta Belarusian.

“Wuxuu balan qaaday inuu sameyn doono wax walba oo macquul ah si gacan looga geysto wadahadalada inta lagu guda jiro qalalaasaha siyaasadeed ee dalkeena,” sidaas waxaa warbaahinta u sheegay haweeneyda mucaaradka ah ee Macron la kulmey.

Toddobaadkii la soo dhaafay, Midowga Yurub wuxuu sheegay in madaxweynaha kali-taliska ah ee Belarus Alexander Lukashenko uusan ahayn hoggaamiyaha sharciga ah ee dalka, Macron wuxuu sheegay in la joogo waqtigii uu is casili lahaa.

Horseed media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *