Turkey: “Xabbad joojin ma dhacayso ilaa Armeeniya is dhiibto”

Armenia iyo Azerbaijan ayaa maanta oo Khamiis ah labaduba waxay iska dhega tireen baaqyada caalamiga ah ee xabad joojinta. Dagaalkii gobolka Nagorno-Karabakh ayaa galay maalintii shanaad oo xiriir ah wuxuuna umuuqday inuu sii xoogeysanayo.

Madaxweynayaasha Faransiiska, Ruushka iyo Mareykanka ayaa codsi wada jir ah u diray kaas oo sheegaya “xabad joojin deg deg ah”.

Wadamada xabbad joojinta ku baaqey ayaa ku jira waxa loo yaqaan Minsk Group waxaana ay ka wada tirsan yihiin ururka Amniga iyo wada shaqeynta ee Yurub OSSE.

Kooxda Minsk waxay iskudayeysaa inay dhexdhexaadiso colaada ka dhex aloosan Armenia iyo Azerbaijan oo aan wax guul ah laga gaarin tan iyo sanadkii 1992.

Si kastaba ha ahaatee, xulafada ugu weyn ee Azerbaijan, ee Turkiga, ayaa shaaca ka qaaday in aan nabad la heli doonin ilaa ay Armenia ka baxaan Nagorno-Karabakh, halkaas oo ay ka taliso Armeeniya laakiin si rasmi ah uga mid ah dhulka Azerbaijan.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa cambaareeyay faragelinta Faransiiska, Ruushka iyo Mareykanka, wuxuuna ku tilmaamay mid aan la aqbali karin.

Turkiga ayaa xiriir dhow la leh Jamhuuriyadda Azerbaijan iyo dadka ku nool waxaa Turkiga lagu eedaynayaa inuu abaabulay calooshood u shaqeystayaal ka socda Siiriya kuwaas oo galay aaga ay colaaduhu ka socdaan si ay uga dagaalamaan dhanka Azerbaijan.

Armenia, dhankeeda, waxay xiriir dhaw la leedahay Federaalka Ruushka, Ruushkuna wuxuu Armenia ku leeyahay ilaa laba saldhig oo milatari.

Ruushka wuxuu siiyaa Armenia dammaanad qaad amni, laakiin kuma jiraan damaana qaadkaasi Nagorno-Karabakh, oo sharciga caalamiga ahi qabo in ay ka tirsan tahay Azerbaijan.

Hoggaanka Armenia ayaa ka caga jiiday inuu Ruushka waydiisto taageero milatari dagaalka ka dhanka ah Azerbaijan iyagoo ka cabsi qaba in taakulaynta lagu xidho shuruudo aan ku haboonayn Armenia oo ay ka mid tahay in ay isaga soo baxaan Nagorno-Karabakh.

Xiriirka Azarbajan iyo Israel

Juqraafiga siyaasadeed ayaa waxaa ka muuqda isbeddel weyn Muslimiinta Asarbijaan waxay xiriir wanaagsan la leeyihiin Israel halka Masiixiyiinta Armeeniya ay xiriir dhaw la lee yihiin Muslimiinta Shiicada ee Iran.

Israel waa dalka seddexaad ee ugu muhiimsan wadanka Azerbaijan dhoofinta iyo iibsashada, iyo waxyaabo kale, 40-50 boqolkiiba saliideeda Azerbaijan ayaa loo dhoofiyaa Israel.

Xiriirka Israel iyo Azerbaijan waxa uu ku salaysan yahay ganacsiga Saliida iyo Hubka

Israa’iil, dhankeeda, waxay siisaa Azerbaijan hub casri ah waxayna ahayd dal muhiim u ah inay hub u siiso Azerbaijan horeyba intii uu socday dagaalkii ka dhanka ahaa Armenia horaantii 1990-meeyadii.

Wadashaqeynta udhaxeysa muslimiinta Azerbaijan iyo Israel waxay bilaabatay horaantii burburkii Midowgii Soofiyeeti 1991. Israel waxay ahayd wadankii labaad kadib Turkiga oo aqoonsaday Azerbaijan madaxbanaan oo xor ah.

Ujeeddada tani waxay ahayd mid ku fadhida istiraatiijiyad – Azerbaijan waxay xuduud la leedahay dalka cadowga weyn u ah Israel ee Iran. Intaa waxaa dheer, Azerbaijan waa suuqa ugu weyn ee dhoofinta saliida la geeyo Israel.

Yuhuudda Azerbaijan waa loo ogol yahay inay nabad ku noolaadaan Azerbaijan, marka la barbardhigo Armenia, sidoo kale waxaa ku nool Israailiyiin wax ku ool ah, oo aan lagu soo warramin inay u nugul yihiin Yuhuud nacayb heer kasta. Tiradoodu waa tobanaan kun, laakiin macluumaad sax ah lama hayo.

Madaxweyne Ilham Aliyev wuxuu si joogto ah ugu hambalyeeyaa Israel ciidaha Yuhuuda.

Waxaa jira ugu yaraan toddobo macbad ama Sinigag oo Yuhuuddu leedahay oo si firfircoon loo isticmaalo, laba kamid ah waxaa laga dhisay caasimada Baku sanadihii 2000.

Armenia oo xulafo la ah Iran

Taageerada Israa’iil ay siisay Azerbaijan ee dagaalka kula jirtay Armenia 1990-yadii waxay horseedday in Kiristanka Armenia u wareegaan Shiicada Iran.

Isla mar ahaantaana, muujinta Yuhuud nacaybka ee Armenia way sii kordheen inta badan Yuhuudda dalkuna way ka haajireen.

Sahamin uu sameeyey machadka cilmi baadhista ee PEW dhawr sano ka hor, Armenia waxay noqotay waddanka ugu dulqaadka yar ee Yuhuuda ka mid ah waddamada laga soo baaray Bartamaha iyo Bariga Yurub.

Qiyaastii seddex meelood meel dadka ku nool Armenia ayaa baaritaanka ku sheegay inaysan rabin Yuhuudda inay muwaadin u noqdaan dalkooda.

Source: Wakaaladaha Wararka

by Ismail H. Said