Madaxweynaha Puntland Oo U Dhoofay Dalka Kenya – VIDEO

Published: October 2, 2020

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa safar ugu ambabaxay magaaladda Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Madaxweynaha oo muddo bil ah u joogay Muqdisho shirar looga hadlayey jiheynta dalka marxaladda kala guurka ah iyo sidii ay wakhtigeeda ugu dhici laheyd doorasho la isla ogolyahay, taasi oo lagu guuleystay in la go’aamiyo lana ansixiyo iyadoo xalayna lasoo dhameystiray soo gudbinta habka, guddiyadda, habraaca iyo jadwalka doorashadda.

Madaxweyne Deni oo la hadlay warbaahintiisa gaarka ah ayaa ka sheekeeyey shaqooyinkii ay qabteen mudadii ay ku sugnaayeen Muqdisho, wuxuuna safarkiisa Kenya ku tilmaamay mid isaga u gaar ah.

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *