Puntland oo doorashada ka weecisey Gaalkacyo iyo..

Published: October 2, 2020

Magaalada Gaalkacyo waxay kamid tahay magaalooyinka ugu muhiimsan deegaanada Puntland, sida uu sheegay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, waana halka laga dhisey Puntland (Daawo muuqaalka hoose) inkasta oo magaaladu qaybsan tahay ayaa inteeda badan waxaa ka talisa Puntland, sida lagu yaqaano waxay ka kooban tahay afar xaafadood oo saddex kamid ah ay Puntland tahay.

Gaalkacyo marka laga yimaado magaalada Bosaaso, waa magaalada labaad ee ugu weyn deegaanada Puntland.

Nidaamka canshuurta iyo difaaca, waxaa Puntland israacisaa Mudug iyo Cayn, Sool iyo Nugaal & Bari iyo Sanaag, haddaba;

Doorashada Xildhibaanada Federaalka ah oo loo asteeyey in ay ka dhacdo laba magaalo ayaa Puntland qaadatey Garowe iyo Bosaso, halka Galmudug ay qaadatey Gaalkacyo iyo Dhuusamareeb.

Waxay ahayd ugu yaraan in Xildhibaanada Beelaha Mudug & Buuhoodle (Cayn) lagu soo doorto magaalada Gaalkacyo taas oo aan wax culeys ah ku soo kordhiseen Puntland dhaqaalaha uga baxaya, maadaama Mudug iyo Buuhoodle kamid yihiin deegaanada Puntland oo ay sidoo kale sheegtaan maamulada Galmudug iyo Somaliland.

Haddaba Puntland magaaladeedi labaad ee doorasho deegaan uma dooran Gaalkacyo waana ka weecisey, waxaana qaatey Galmudug, maxay tahay “fariinta” siyaasadda & Juqraafi ahaan ay arrintan direyso?

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

4 Comments

  1. Wax macno ah kuma jiraan intaad sheegtay, Gaalkacyo iyo mudug waa Puntland qeybyta ugu muhiimsan, walaalaha kale waa spo dhawaynaynaa inay ku qabsadaan tooda.

  2. Adeer gobolka mudug qaddiyaddisa doorasho lagu qabtay iyo mid laga leexiyay midna wax ka beddeli mayso.

    Reerka koonfurta mudug degaa sifiican u yaqaanaan jaarkooda iyadoon soomaali dowlad ahayn iyo iyadoo ahba. Iyadoon Puntland jirin iyo iyadoo jirtaba.
    Marka qiimo kuma fadhido dad lagu sooxulaa