Puntland: Sare-u-kaca Doolar-ka iyo Cabashada Shacabka – VIDEO

Published: October 3, 2020

Qiimaha lagu kala sarifto Doollarka ayaa maraya heerarkii ugu sareeyey ee uu abid gaaro, taas oo dhibaato ku noqotey dadka danyarta ah iyo kuwa haysta ganacsiyada yaryar ee ku qiimeysan lacagta Shilinka Soomaaliga. Arrintan ayaa keentey in cunnada iyo khudaarta daruuriga ah ay kor ula kacaan qiimaha dollarka. Sidoo kale arrimahan waxay dhibaato weyn ku noqotey dadka muruq-maalka ah ee xoogooda loo siiyo lacag Soomaali taas oo noqota mid aan waxba u goyney markii ay suuqyada dib ugula noqdaan.

Suuqyada Sarifka ayaa lagula kala wareegayaa boqolkii doolar afar milyan iyo laba boqol oo kun oo Shilin Soomaali ah. Saddexdii sano ee u danbeysey ayaa suuqyada Soomaaliya ee sarifku noqdeen kuwa kala haray, Suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha ayaan qiimaha Dollarka ee $100 aanu dhaafin laba milyan iyo todoba boqol oo kun, waxaana arrintaani noqotey mid la yaab leh.

Xukuumaddii hore ee Puntland ayaa Bosaso dhigtey makiinad lagu daabaco lacagta, taas oo keentey in suuqa ay wareegto lacag Soomaali ah oo aad u badan halka ay yaraatey lacagta adag ama dollarku, taas oo kamid ah sababaha ugu weyn ee doollarku qiimaha u yeeshay, maadama kuwa lacagta samaynayaa ay doonayaan in ay dadka lacagta adag haysta ugala wareegaan Soomaali faalso ah  oo aan qiime ugu fadhiyin.

Dhanka kale ganacsiga waaweyn sida raashinka, qalabka korontada, electronic-yada iyo alaabaha dhismaha ayaa ku qiimeysan Doolar, mana jirto saameyn dhanka khasaarada ah oo ay ku yeelato sara u kaca sarrifka doolarka, mana oggola in ay qaataan lacagta Soomaaliga, mararka qaarkoodna waxay ka faa’ideystaan sara u kaca doolarka oo ay kor u qadaan qiimaha alaabta.

Waxaa dad badan is weydiinayaan sababta ka danbeysa qiimahan cirka isku sii shareeraya, waxaana suuqyada Puntland weli laga helaa lacagta kunka oo cusub taas oo la filaayo in ay tahay Xukuumaddii hore  lacagtii ay sameysey, oo weli suuqyada soo geleysa, halka dadka qaarkiis shaki ka muujinayaan in weli ay jirto lacag faalso ah oo gudaha dalka lagu daabaco.

Maamulka Puntland ayaa qudhiisu canshuurta ku qaada lacagta Doolarka, sidoo kale aaladaha wax lagu kala iibsado ee Sahalka iyo e-Dahabka ayaa ku qiimeysan lacagta Doolarka.

Saameynta dhaqaalaha ee COVID-19  ayaa arrimahan uga sii dartey, waxaa yaraadey   lacagtii adkeyd ee dalka soo geleysey deeq iyo ganacsiba, maamulka Puntland ayaan weli ka sameyn istraatiijiyad wax looga qaban karo dhibaatada arrimahan ka dhalatey.

Ganacsatada yaryar ayaa maamulka Puntland ugu baaqey inay arrimahan si degdeg ah wax uga qabtaan si aan xaaladda dalku uga sii darin.

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *