Trump oo maalmo ku jiraya Isbital Mileteri si looga daweeyo COVID-19

Published: October 3, 2020

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la dhigay Isbitaalka Milateriga ee Walter Reed si loogu diyaar garoobo haddii xaaladiisa caafimaad ka darto. Maalmaha soo socda ayuu ku qaadan doonaa isbitaalka, kadib markii uu haleeyey xanuunka COVID-19 kaas oo uu hoos u dhigey khatartiisa sanadkan 2020.

Trump wuxuu ku yimid isbitaalka diyaarad helicopter ah subaxnimadii hore ee Sabtida, waqtiga Soomaaliya, wax ka yar maalin kadib markii laga helay ixaniinka COVID-19

“Dhakhaatiirtu waxay rabaan Trump inuu maalmaha soo socda ku qaato Isbitaalka haddii ay xaaladdiisu u baahan tahay daryeel deg-deg ah” ilo wareedyo ayaa u sheegay Wakaaladda wararka ee Reuters.

Sida laga soo xigtay Aqalka Cad dee looga arrimoyo Maraykanka, Trump wuxuu leeyahay astaamo fudud oo Korona ah.

Waxaa lagu daryeelay daawo tijaabo ah.

Warbaahinta Mareykanka ayaa ku waramaysa in Trump uu muujiyay calaamado ay ka mid yihiin qandho yar, ciriiri neefsiga iyo qufac.

Donald Trump ayaa faallo ka bixiyay dareenkiisa muuqaal Fiidiyow ah oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka. Wuu ka mahadceliyey taageerada oo dhan wuxuuna sheegay inuu u maleynayo inuu fiican yahay.

Sida laga soo xigtay dhakhaatiirta Aqalka Cad, Madaxweyne Trump wuxuu dareemayaa daal, sida kale wuu niyad wanaagsan yahay.

Xaaska madaxweynaha Melania Trump ayaa sidoo kale jimcihii uu haleelay Korona fayras ‘coronavirus’. Waxaa la sheegay inay leedahay qufac fudud iyo madax xanuun yar.

Aqalka Cad ayaa hadda ka shaqeynaya raadinta infekshinka, si loo ogaado cidda la kulantay madaxweyne Trump iyo xaaskiisa maalmihii la soo dhaafay.

Barack Obama iyo Kim Jong-un oo caafimaad u rajeeyey Trump

Xanuunka Donald Trump dartiis ololihii Joe Biden wuxuu si ku meel gaar ah meesha uga saaray xayeysiinta lagu dhaleeceynayay Trump, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee Reuters.

Waxaan u ducaynayaa marwada koowaad ee Maraykanka iyo caafimaadka madaxweynaha, ayuu yiri Joe Biden.

Xildhibaanad Ilhan Omar ayaa sheegtey in aysan garaneyn sababta Joe Biden u joojiyey ololihiisi, iyada oo telefishanada ay ka baxayaan xayeysiis uu lee yahay Trump oo lagu dhaleecaynayo Biden.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama ayaa sidoo kale caafimaad u rajeeyey Trump qoraal uu dhigey bartiisa Twitter-ka.

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa kamid noqdcey hoggaamiyaasha salaanta caafimaad u direy Donalad Trump. Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Kuuriyada Woqooyi ee KCNA, Kim ayaa dhambaal shaqsi ah u diray Trump isaga oo rajaynaya in madaxweynaha Maraykanka iyo xaaskiisu ay soo kabsan doonaan sida ugu dhakhsaha badan.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *