Guddiga Arrimaha Gudaha Baarlamaanka Puntland Oo Su’aalo Weydiiyey Wasiir Dhabanacad

Published: October 4, 2020

Guddiga Arrimaha Gudaha, Dawladdaha Hoose iyo horumarinta reer miyiga ee Golaha Wakiillada Puntland ayaa xarunta golaha Wakiillada kulan kula qaatay Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dimuqraadiyadda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad.

Wasiir Dhabanacad ayaa ka warbixiyey shaqooyinka Wasaaradda, qorshayaasha degsan, waxyaabaha u qaab-soomay June illa September 2020 iyo weliba caqabadaha jira, isaga oo sidoo kalena, su’aalo laga weydiiyay arrimaha uu ka hadlay, isla markaana ay guddigu u hawlgali doonaan sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha ka jira Wasaaradda ayna doorkooda ka qaadanayaan.

Kulanka Guddiga Arrimaha Gudaha, Dawladaha Hoose iyo hor-marinta reer miyiga ee Golaha Wakiillada DPL ay la qaateen Wasiirka Wasaaradda ayaa qeyb ka ah shaqooyinka Golaha Wakiillada DPL ee la socoshada Hay’adaha fulinta dalka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *