Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo Gaaray Baydhabo

Published: October 4, 2020

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo galabta kasoo ambabaxay Muqdisho ayaa dib ugu laabtay magaalada Baydhabo ee xarunta Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Laftagareen oo safar shaqo uu ku joogay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa halkaas kaga qeybgalay shirarkii madaxda DFS iyo DX ee lagu go’aamiyay habraaca iyo hanaanka doorashada 2020-2021.

Sidoo kale waxaa isna dib ugu laabtay Dhuusamareeb madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye balse waxaa wali Muqdisho ku sugan madaxweynaha Hirshabeelle oo halkaas joogay ku dhowaad 5 bilood.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *