Puntland: ” Sicir-bararka waxaa keenay Dowlada Federaalka”

Published: October 4, 2020

Dowlada Puntland ayaa markii ugu horeysay ka hadashay sicir-bararka xoogan ee ku dhuftay deegaanadeeda kadib markii heerkii ugu sareeyey abid uu gaaro qiimaha sarifka doolarka.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda maaliyadda Puntland Cabdi Ibraahim Warsame Qowdhan ayaa ku eedeeyey dowlada federaalka Soomaaliya inay sababteeda leedahay sicir bararka maadaama ay mushaharaadka ku bixiso doolar, islamarkaana ay gabtay inay dayactirto shilinkii Soomaaliga.

” Dowlada federaalka Soomaaliya oo masuulka ka ah lacagta, cashuurta waxay ku qaadaa doolar, mushaharka waxay ku bixisaa doolar, miisaaniyadu waxay ku sallaysan tahay doolar “

Wasiir Qawdhan

Wasiir ku-xigeenka maaliyadda ayaa sidoo kale sheegay inuu COVID19 keenay sicirka bararka, isagoona Puntland ku tilmaamay meesha kaliya ee Soomaaliya lagu qaado canshuurta shilin Soomaali, hadalkan ayuu sheegay xili uu saaka waraysi siinayey idaacadda BBC SOMALI.

Wasaaradda maaliyadda Puntland ayaa shalay guddi gaar ah u saartay wax ka qabashada xaaladda sicir bararka doolarka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *