Qoor-qoor Oo Dib Ugu Laabtay Dhuusamareeb

Published: October 4, 2020

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo galabta kasoo ambabaxay Muqdisho ayaa dib ugu laabtay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa, waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur kusoo dhaweeyay Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug, Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, maamulka iyi qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Dhuusamareeb.

Qoor-qoor oo safar shaqo uu ku joogay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa halkaas kaga qeybgalay shirarkii madaxda DFS iyo DX ee lagu go’aamiyay habraaca iyo hanaanka doorashada 2020-2021.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *