Raysal Wasaare Rooble Oo Ku Wajahan Kuwayt

Published: October 4, 2020

Raysal wasaaraha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa tan iyo markii loo magacaabay xilkan waxaa uu safarkiisii ugu horeeyey ku tagaya maanta dalka Kuwayt.

Raysal wasaaraha ayaa halkaas kaga qaybgali doona aaska qaran ee loo samaynayo amiirkii geeriyooday ee dalka Kuwayt Sheekh SabahAl- Axmed Al- Sabaah oo 29-kii Bishii hore September 2020 ku geeriyooday dalka Maraykanka.

Rooble inta uu ku sugan Kuwayt, waxa uu la kulmi doonaa hogaanka ugu sareeya dalka Kuwayt gaar ahaan amiirka cusub ee dalkaas isagoona kala hadli xaaladda Soomaaliya iyo xiriirka iskaashi ee labada dal.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *