Wasiirka Warfaafinta Galmudug Oo Booqday Xarunta Ururka Suxufiyiinta Qaranka (NUSOJ)

Published: October 4, 2020

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dawladda Galmudug Mudane Axmed Shire Falagle ayaa maanta soo booqday xarunta dhexe ee Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ isla markaana kulan isxogwareysi ah la yeeshay Madaxda Ururka.

Xoghayaha Guud, Guddoomiyaha Golaha sare iyo Xubnaha Guddiga Fulinta ee Ururka NUSOJ ayaa Wasiirka kusoo dhoweeyay xarunta dhexe ee Ururka.

Waxay labada dhinac isla gorfeeyeen baahida loo qabo dhowritaanka bedqabka suxufiyiinta iyo xorriyadda saxaafadda, waxayna labada dhinac carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in mudnaan la siiyo amniga suxufiyiinta iyo dhowrista madaxbanaanida xarumaha warbaahinta iy xorriyadda hadalka, suxufiyiintuna ay noqdaan kuwo dhowra nidaamka iyo sharciga.

Xoghayaha Guud ee Ururka NUSOJ Cumar Faaruuq Cismaan ayaa soo dhoweyn ka dib Wasiirka uga warbixiyay dadaalada waxqabad ee socda iyo guulaha Ururka uu ka gaaray horumarka Wariyaasha iyo Warbaahinta Soomaaliyeed.

Sidoo kale Xoghayaha iyo Wasiirka ayaa isla meel dhigay wada shaqeyn buuxda oo dhexmarta Wasaaradda iyo Ururka si loo sii ambaqaado barnaamijyadda lagu horumarinayo Wariyeyaasha iyo Warbaahinta Galmudug.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *