Armenia oo duqeysay magaalada 2aad ee Azerbaijan

Published: October 5, 2020

Dagaalka u dhaxeeya dalalka Armenia iyo Azerbaijan oo galay todobaadkii 2aad ayaa sii xoogeysanaya.

Dowlada Azerbaijan ayaa ku eedaysay ciidamada Armenia inay si bareer ah u duqeeyeen magaalada labaad ee dalkooda ee Ganja oo ay ku nool yihiin in ka badan 335-kun oo qof, iyagoo bartilmaamsaday goobaha shacabka.

Dagaalka xoogiisa ayaa ka socday nawaaxiga gobalka la isku heysto ee Nagorno-Karabakh, balse waxaa hada muuqata inuu dagaalka kusii fidayo gobalada kale.

Xukuumada Azerbaijan ayaa horey u sheegtay in hadii Armenia weerar toos ah ku qaado gobalada kale ee dalkooda ay iyaguna si toos ah u bartilmaamsan doonaan dhulka Armenia.

Armenia ayaa la rumeysan yahay in ay dooneyso inay dagaalka labada dal balaariso si markaasi ay taageero uga hesho Ruushka oo uu kala dhaxeeyo iskaashi militari, arrintaasi oo ka dhigi karta dagaalka mid wadamo badan soo galaan.

Xukuumada Armenia ayaa ku eedaysay Dowlada Turkiga inay gacan siineyso Azerbaijan, gaar ahaan dhanka hubka goobaha fog wax ka dila ee hawada laga hago iyo diyaaradaha Droneka oo khasaaro badan u geystay dhanka ciidamada Armenia.

Duqeynta magaalada Ganja ayaan la ogeyn in Azerbaijan ay uga jawaabi doonto duqeyn ay la beegsato gudaha wadanka Armenia, taasi oo dagaalka sii balaarin karta.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *