Ciidamada Nabsugida Jubbaland Oo Qabtay Xubno Ka Tirsan Alshabaab

Published: October 5, 2020

Ciidanka nabad-sugidda iyo sirdoonka Jubbaland ayaa hawgallo ay ka sameeyeen xaafadaha magaalada Kismaayo, waxay kusoo qabten saddex ruux oo lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin argagaxisada Al-Shabaab kuwaas oo falal amniga lid ku ah ka waday magaalada Kismaayo.

Hay’adda Nabadsugidu waxay sheegteen inay raggani ka dambeeyeen falal ka dhacay gudaha magaalada, iyaga oo ujeedkeedu ahaa khal-khalgelinta ammaanka iyo waxyeeleynta shacabka sida uu sheegay taliska.

“Fashilinta iyo soo qabqabashada shabakadaan ayaa timid kadib markii ay ciidanka nabad-sugidda iyo sirdoonka Jubbaland ay howlgallo xiriir ah ka sameeyeen xaafadaha magaalada Kismaayo” ayaa lagu yiri War kasoo baxay taliska.

Ciidamada Jubbaland ayaa wada baaritaan ku aadan soo qabashada dadkii ka dambeeyey qarax ismiidaamin ah oo lagu dilay gudoomiyihii rugta ganacsiga Jubbaland shaafi raabi kaahin.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *