Masar: Xubno Ku Eedaysnaa Akhwaan Muslimiin oo Dil Lagu Fuliyay

Published: October 5, 2020

Dowladda Masar ayaa dil ku fulisay 13 Xubnood oo ku eedaysnaa inay ka tirsanaayeen Ururka Akhwaanul Musliimiinka ee dalkaasi lagu mamnuucay.

Telefishanka Watan TV oo xiriir la leh ururka Akhwaanu Muslimiinka Masar ayaa bartiisa facebooga ku qoray dilka 13 qof hase yeeshee Wargayska dowladda Akhbar al-Yawm newspaper ayaa daabacay in 4 qof dil lagu fuliyay.

Maaintii Sabtidii wasaaradda arrimaha gudaha ee Masar ayaa dil ku fulisay xubnaha kala Yasser Abasiri oo 49 jir , and Yasser Shakr, 45, labadan nin ayaa la xiray sanadkii 2013kii waxayna qayb ka ahaayeen banaanabaxyo looga soo horjeeday afgembigii Milateri ee xukunka loo tuuray madaxweynihii la doortay ee dalkaasi Masar Maxamed Morsi oo sanadkii hore ku geeriyooday Xabsiga.

Dalka Masar waxaa maalmahan ka socda banaanbaxyo looga soo horjeedo madaxweynaha Masar Cabdifataax Al-siiisi. waxaa la xirxiray suxufiyiin iyo banaanbaxyaal.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *