Trump oo usoo baxay Salaanta taageerayaashiisa xili lagu hayo Isbitaalka

Published: October 5, 2020

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa gaari isagoo saaran u gacan haatiyey taageerayaashiisa ku sugan banaanka isbitaalka uu ku jiro ee Walter Reed hospital.

Tilaabadan ayaa la cambaareeyey iyadoo lagu eedeeyey Madaxweynaha Maraykanka oo uu ku dhacay cudurka Covid19 inuu khatar geliyey ilaaladiisa gaariga la saarnaa, maadaama gaarigaasi uu ahaa kuwa qafilan isla markaana si fudud cudurkaasi u qaadsiin karay ilaaladiisa khaaska ah.

Trump oo si weyn ulla socda warbixinada ay warbaahinta uga hadleyso xaaladiisa caafimaad ayaa xooga saarayey inuu muujiyo sawir ah inuu caafimaad qabo isla markaana kasoo kabanayo cudurka haya ee Coronavirus.

Aqalka Cad ee Madaxtooyada Maraykanka ayaa sidoo kale shaaciyey sawiro muujinaya isagoo waraaqo saxiixaya si shacabka loo tuso in Madaxweynaha Shaqada weli hayo, walow saxaafada Maraykanka ay kashiftay in sawirada la shaaciyey ay ka muuqdeen waraaqo aan waxna ku qorneyn inuu saxiixay Trump, taasi oo loola jeeday in “igu-sawir” oo kaliya ay ka ahayd hogaamiyaha Maraykanka.

Trump ayaa jimcihii lasoo dhaafay la dhigay isbitaalka ku yaal magaalada Washington DC, kadib markii ay dhakhaatiirtiisa ay u baqeen xaaladiisa caafimaad, waxaana la sheegay inay hada u socdaan daawooyin.

Dhakhaatiirtiisa oo shir jaraa’iid qabtay ayaa sheegay in Trump xaaladiisa fiican tahay isla markaana rajeenayaa in Trump isbitaalka ka baxo maanta oo Isniin ah, walow ay warar iskhilaafsan horey uga soo baxeen Madaxtooyada iyo Dhakhaatiirta qaabilsa Madaxweynaha Maraykanka.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *